Jimce, 30th of April, 2021 (London)- Sarkaal boolis Metrabolitan-ka ka tirsan ayaa laguy helay in uu ku kacay falal la xiriira argagixisanimo, misna ka tirsanaa koox argagixasada ah oo jiritaankeeda la mamunuucay ee NEO-NAZI.
Binjamin Hannam oo 22-jir ah ayaa lagu xukumay afar sano iyo afar bilood oo xarig ah, ka dib markii lagu helay in intii u dhaxeysay, sanadadii 2016-kii ilaa iyo 2017-kii uu xubin ka ahaa Ururka xag-jirka ah ee sida weyn ugu jan-jeera dhanka Midig ee National Action (NA) misna ah koox ku shaqeysa fekerkii Nazigii dunida laga cidhib tiray.
Shaqada booliska waa laga eryey markii la ogaaday in uu falal aan habooneyn ku kacay, oo ka baxsan howlaha booliska.
Benjamin Hannam ayaa sameystay sharibo u eg kuwii uu lahaa Hitler, si uu wajigii Hitler oo kale u yeesho, wuxuuna laba sano ka tirsanaa booliska ka hor intaan laga helin xogtiisa, daata la aruuriyey oo si aan ula kac ahayn uga soo baxsatay, goob ay internetka ku lahaayeen kooxda majaraha adag ee Nazi-ga ku fekerka ay oo ay internetka kaga dhex sheekeysan jireen.
Bishii march ee sanadkii hore ayaa la xiray sarkaalkaan, ka dib markii sawir uu sidii Hitler u labisan yahay laga dhex helay mobile-kiisa.
Source: BBC News /Sky news
AminaWehelie.Me