24 falastiiniyiin ah iyo 2 Israa’iiliyiin ah ayaa ku dhintay rabshadaha Gaza ka dhacay

Talaado 11st May, 2021- Gaza- Sida ay soo werinayaan warbaahinta caalamka ee kala duwani, afar iyo labaatan qof oo Falastiin u dhashay iyo 2 Isaa’raaiil u dhashay ayaa ku dhintay iska hor imaadyadii ugu dambeeyey ee ay fooda is dareen, falastiiniyiin deggan Gaza iyo ciidamada Israa’iil.

Rabshadahaan ayaa socday si aan halkad lahayn, tan iyo qorax-dhicii maalintii Isniintii, dadka dhintay waxaa ka mid ah caruur, halka dadka dhaawacmayna ay tiro badan yihiin.

Laba maalmood oo xiriir ah ayaa rabshado dhiig ku daatay ka aloosan yihiin, magaalada Gaza, kooxda Hamaas oo maamulka gudaha maagaalada Gaza, ayaa iyaguna gantaalo ku riday Qudus (Jerusalem) markii ugu horeysay muddo todoba sanadood ah.

Saraakiisha caafimaadka ee Gaza ayaa sheegaya in todoba xubnood oo qoys qur ah ka wada tirsanaa, ay ku dhinteen qarax, halka 3 ka mid ah xubnaha qoska dhintay ay caruur ahaayeen, waxey intaas ku dareen in aan la hubin in mashqadaasi uu sababay gantaal ay cidamada Israa’iil tuureen, xilligaas mar u dhoweyd.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegaya in ay dileen, shan iyo toban xubnood oo ka tirsanaa dagaalyahaniinta Xamaas oo uuna ku jiro hal taliye.

Todobaadyadii ugu dambeeyeyba, waxaa aad i sii kordhayey qalalaase u dhaxeeyey, ciidmada Israa’iil oo muddo ka badan nus-qarni halkaa xoog ku heysta iyo Falastiiniyiinta deggan Gaza oo noloshu ku adag tahay, heysashada darteed.

Sources: Different media outlets

AminaWehelie.Me

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.