Uk oo laga baqayo kicin seddexaad oo xanuunka Coronavirus ah:

War-Isniin-07/06/2021-ka: London-Sir David King oo hore u ugu ahaa madaxa la-taliyayaasha saynisyahannada ah ee United Kingdom ayaa sheegaya, in xaaladda Covid-19 ee hadda ka jirta UK ay cadeyn u tahay kicin seddexaad oo xanuunka coronavirus ah in uu soo socdo.

Sir David, ayaa faahfaahiyey arrintan wuxuuna sheegay, in 5,300 oo qof xanuunka laga helo maalintii, taasina ay ka dhigan tahay in kicin saddexaad uu bilow yahay.

Isagoo u waramaya teleefishanka SKY NEWS wuxuu sheegay Sir David, dadka hadda xanuunka laga helay in ay ka mid yihiin dad qaatay labaddii talaal ee covid-19ka, marka tiro ahaantooda la soo koobana ay ka noqonayaan 400 oo qof oo tallalada dhameystay in ay xanuunka qaadaan, maalin kasta.

Horey ayaa dowladda UK loogu eedeeyey in eey ka baaqsatay in eey xilli hore wax ka qabato xanuunkan markuu dunida ku soo bilaabanayey, waxaana saynisyahanadu ku doodeen, in eey uga sii digeen in xanuun ba’an oo dad badan dili doona, ka soo bilowday China, hase yeeshee eey dowladu dhegaha ka fureysatay.

Tallabada 4-aad ee looga saarayo UK xayiradda Coronavirus ayaa lagu wadaa in eey hirgasho 21-ka bisha June, waase taasi hareeyey shaki fara badan.

Raisulwasaare Boris Johnson, ayaa labada dhinacba waxaa ka heysta culeys, saynisyahanadu waxeey ugu baaqayaan in uu dib u dhigo hirgelinta talaladda afaraad, halka dadka dhaqaalayahannada ahina ugu baaqayaan in wadanku iminka qarka u saaran yahay burbur dhaqaale, sidaas darteedna anuu xamili karin, xayiraadda inteeda harsan, oo sii socota.

Uk, dadka intii badan waa la talaalay, waxaana loo fasaxay in qof kasta uu iska baari karo Covid-19 si xor ah oo aan dhaqtar ku xirnayn.

AminaWehelie.Me

Birminham Newsroom.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.