Isniin (14/06/2021-ka- London- Wararka ka imanayo ilo ku dhow Dowladda UK ayaa sheegaya in dib loo dhigayo muddo afar todobaad ah, qaadista gebi-ahaanba xayiradda hadhay ee ku aaday Coronavirus ee gobolka England.
Ka dib markii talooyin badan loo soo jeediyey dowladda UK, kuwaasoo ku aadan khatarta ka dhalan karta, in gebi ahaanba la xayuubiyo, tallabooyinka lagu xakameynayo faafista xanuunka Covid-19, maadaaba ay suutagal tahay in mar kale dalku wajaho, kicin saddexaad oo faafista xanuunka ah, ayeen dowladu qaadaneysaa, go’aanka dhib u dhigista.
Galabta qorax dhicii ayaa la filayaa in raisulwasaare Boris Johnson ku dhawaaqo go’aanka dib u dhigista.
Horey ayeey UK u qorsheysay, in eey qaado tallada ugu dambeysa ahna tan afaraad oo ay ku xayuubineyso xayiraadda in eey noqoto 21-ka bishaan June, hase yeeshee iminka waxaa dib loo dhigayaa, muddo 4 todobaad ah.
Qeybta ugu dambeysa ee xayiraada harsan ayaa quseysay inteeda badan, safaradda iyo duulimaadyada dibadda, dhigashada xafladaha dad badan isu imaan karaan goobaha dusha ka daboolan, iyo furista goobaha lagu caweeyo (Night Clubs).
Waxaa sidoodii ahaanaya, tirada dadka la ogol yahay in eey ku kulmaan guryaha dhexdooda, tirada fariisan karta Shinoomooyinka, fariisimaha qamriga lagu cabo iyo garoonada sportiga qeybihiisa kala duwan, oo kulligood loo yeelay tiro go’an.
Tan iyo horraantii sanadkii hore, ayaa waxaa dalkan UK saarnaa, xayiradaad soo martay heerar kala duwan, sidii uu dunida uga dilaacay, xanuunka malaayiinta qof dilay ee Coronavirus.
Halkaan kala soco wixii warar ah oo dhankaas ka soo kordha.
AminaWehelie.Me
Birmingham, UK.