Xayiraadii Corona ee la qaadi lahaa 21ka June oo dib loo dhigay:

Isniin (14/06/2021- (London)- raisulwasaraha Britian Boris Johnson ayaa galabta ku dhawaaqay, in dib loo dhigay qaadista tallabada afaraad ee la xayuubin lahaa, xayirada Coronavirus bishaan June 21-keeda.

Ra’islwasaaraha ayaa ku sheegay go’aankani in aanuu ahayn mid si sahlan lagu gaaray, hase yeeshee iyadoo la ilaalinaayo caafimaadka dadweynaha, isla markaasna lala tashaday qubaro badan oo dhinaca Sayniska iyo caafimaadka dadweynaha ku takhasusay, la go’aansaday in dalka laga ilaaliyo, khatar hor leh oo ka timid farcanka Coronavirus Hindiya oo iminka la siiyey magaca DELTA.

Raisulwasaare Boris Johnson oo ka hadlaayey shirka jaraa’id ee joogtada ah ee Downing Street, ayaa intaas ku daray, in dib loo dhigay xayuubinta xayiraada muddo afar tod0baad ah, oo ku aadan 19-ka bisha soo socota ee July (Luulyo).

Johnson ayaa sheegay in ay bal eegayaan sida xaaladu noqoto muddo laba todobaad ka dib ah, haddii markaa ay u arkaan in anuu xanuunku isa soo tarina, ay xayiraadda inta hadhay, xayuubin doonaan 19-ka July, wuxuuse shaki geliyey in xayiraadda laba qaadi doono haddii faraca DELTA ee coronavirus Hindiya uu sii faafo.

Waxa kale oo uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay, in la ogolaaday in la kordhiyo tirada iskugu imaaneysa xafladaha aroosyada (Meherka) iyo tacsiyada (Geerida) oo markii hore loo sar gooyey 30, balse wuxuu ku nuux-nuuxsaday, in goobaha xafaladahaas lagu qabanayo maamulkoodu uu xil ka saaran yahay in eey ilaaliyaan, sharuuca xayiraadda inta weli harsan.

Dadka lagu sargooyey 30ka qof ee aroosyada iyo tacsiyada ayaa isugu imaan kara dibada ama goobo dusha ka furan oo qur ah, lamana ogola in lagu kulmo goobaha dusha ka xiran, sidoo kale miiska dadka wada cunteynaya ayaa iyagana la doonayaa in ay wada fariisan karaan 6 qof oo qur ah oo iyagana ku wada cunteyn kara ama wax ku wada cabi kara, dibada ama goobaha dusha ka furan, halka guryaha dhexdooda la ogol yahay in eey ku kulmi karaan laba qoys oo qur ah.

Maanta oo Isniin ahayd, xanuunka cusub ee faraca DELTA ee Indian Coronavirus waxaa qaaday 7, 742 (Todoba Kun, Todoba Boqol, Laba iyo afartan qof oo cusub), waxaana u dhintay 3 qof.

AminaWehelie.Me

Birmingham, UK.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.