Trump oo lacag ku dalacaya facebook, youtube iyo twitter.

Arbaco 7th Of July,2021-ka- USA – Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump ayaa dacweynaya lacagna ku dalacaya, baraha bulshada ee kala ah: Facebook, Youtube iyo Twitter.

Trump ayaa tallabadaan qaadaya, ka dib markuu ka quustay in milkiilayaasha barahaan bulsho, ay ka daayaan xayiraadaha ay dul dhigeen.

Trump ayaa dacwadaan u wajahaya si toos ah, mulikiilayaasha shariikadahaan, Mark Zuckerberg, Jack Dorsey iyo Sundar Pichai, wuxuuna ku dacweynayaa in eey si ula kac iyo ku doon-doon ah u bartilmaameedsadeen dadka Markeykanka ah, isagoo madaxa ka wada qabanaya una saarinaya, shariikadahaan in eey daandaansi ku wadaan Amerikaanka.

Donald Trump ayaa ka careysan ka dib markii laga mamnuucay isaga iyo tageerayaashiisa, kooxo gacan saar la leh iyo xubno qoyskiisa ka tirsan ba, in eey adeegsadaan, baraha bulshada ee Youtube, Facebook iyo Twitter, taasioo ka dambeysay,ka dib weerarkii ay dad isaga taabacsan ku galeen 6-dii bishii Janaayo ee horaantii sanadkaan, aqalka baarlamaanka dalkaasi Mareynkanka, xilli ay socdeen mudaaharaadyo, uu ku doonayey in uu baaqi ku sii ahaanta kursiga madaxtinimada, oo xilligaas lagaga guuleystay.

Trump ayaa isku kalsooni geliyey in uu ka guuleysanayo hey’adahaan iyo milkiilayaashoodaba, sababtuna ay tahay in uu u cugsanayo, sharuucda Xuquuqda Hadalka (Freedom of speech).

Trump ayaa horey si toos ah ugu goodiyey in uu tallabo ka qaadi doono Mark Zuckerberg, oo ah mulkiilaha facebook marka uu xukunka ku soo noqodo, waa sida uu hadalka u dhigaye, doorashada xigta ee dalkaasi Mareykanka.

Trump ayaa aad ugu waalnaa, isticmaalka baraha bulshada isagoo badiyaa ku qori jiray, waxyaabo liddi ku ah cid kasta, oo ka soo horjeesata, marmarna wuxuu adeegsan jiray luuqad adag.

AminaWehelie.Me

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.