Tacsi iyo Taariikh kooban:
Waxaa is oo gaartay Allaha u naxariistee, geerida Fannanad Maryan Cabdulle Geeseey.
Maryan Cabdulle Geeseey waxeey ka tirsanayd Fannaniinta Hoobalada Waaberi qeybta ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, markii dambana waxeey ahayd, jilaayad fir-fircoon oo wax ka matasha, riwaayadaha nooceey doonaanba ha ahaadeenee.
Mar beey ahayd macallimad dhallinyarada barta ciyaaraha hidaha soomaaliyeed, gudaha magaallada Muqdisho, waxeyna ahayd mid ka mid ah aasaasayaashii Kooxdii Caanbaxday ee Banaadir Star, oo laga aasaasay Muqdisho, burburkii dowladdii Siyaar Barre ka dib.
Maryan waxeey ka qeybqaadtay jilliinka riwaayado badan oo ay ka mid yihiin, Shumeey, Amuurtaan Ugub waaye iyo kuwo kale, waxeyna badiyaa wax la matashay jilayaasha waaweyn ee Maki Xaaji Banaadir, iyo allaha u naxariistee, Nuur Cismaan Jeyte iyo Cabdullaahi Amiir Aw-Kuu-Kuu.
Maryan waxeey udub dhexaad u noqotay, riwaayadihii lagu soo celinayey nidaamka dowladnimada Soomaaliyeed.
Maryan ayaa geerideedu ka mid noqtay indhihii iyo quruxdii fanka soomaaliyeed ee maalinba maalinta ka dambeysa sii libdhaya.
Allaha u naxariisto Maryan Cabdulle Geeseey.
AminaWehelie.Me