Tirada dadka ku dhintay daadadka Yurub ku rogmaday oo kor u kacday.

17th of July2021-(Sabti)-Waxaa xowli kor ugu kacay,tirada dhimashada dadka ku geeriyooday, daadka ku rogmaday dalalka Jarmalka iyo Biljem, oo iminka ku isku taagtay 160 qof.

Kooxaha gurmadka wada ayaa ku soo waramaya in eey dhici karto in meyd kale oo badan laga helo Biyaha dhexdooda, halka ay weli baadi goobayaan dad naftu ku jirto oo biyaha ku dhex xayiran.

Waxaa jirta baqdin soo kordheysa oolaga qabo, in ay dummaan biya-xireen isku xira Biljem ilaa iyo Netherlands.

Qeyb ballaran oo ka mid ah biyo-xireenka gobolka North Rhine-Westphalia ayaa jabay tasoo culeys weyn ku kordhisay biyaha rogmanaya.

Guryo ayaa biyuhu ka dulmareen, qaar baa sabeeyey gebi ahaantoodka, halka xarkaha dabka iyo dhuumaha biyaha iyo bullaacaduha ee mara dhulka hoostiisana wada kharibmeen.

Daadadkaan ayaa waxeey ku rogmadeen dalalka Jarmalka, Biljem oo ah kuwa ugu daran, halka ay gaareen Netherlands iyo Luxamberg.

AminaWehelie.Me

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.