UK: magan-gelyo doonayaasha reer Afgaanistaan waxeey soo geli karaan UK baasaboor la’aan:

Isniin 16/08/2021-UK- Dalka Boqortooyooyinka Midoobay (UK) ayaa ka saamaxday dadka reer Afgaanistaan in la weeydiiyo baasaboor marka ay soo dhaafayaan xuduudaha dalkeeda.

Wasiirka difaaca ee Britian Ben Wallace, ayaa sheegay in dowladiisu dooneyso in eey fududeeyso qaabka ay UK ku imaan karaan, shaqaalihii ka shaqeynayaayey dhinacyada tarjumaadda afafka iyo qandaraasleeydii la howlgalayey ciidamada reer galbeedka, intii uu socday howlgalladii ay galbeedku hogaaminaayeen ee dalka Afgaanistaan, kuwaas oo ah iminka kuwo aminogoodu khatar ku jiro.

Wasiirka ayaa hadalkiisani ku soo beegmay, xilli wasiiradda arrimaha gudaha ee Britian Priti Patel, ay dhegaha ka fureysatay, dhowr dhawaaq oo uga imaanaayey dhinacyo badan, haba ugu horeeyaanee, heyadaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo tan qaxootiga, oo ku tirtiirsiinaayey in eey fududeeyso qabka magan-gelyo-gelinta dadka naf-la-caariga ah ee soo tiigsanaya dalkan United Kingdom.

Ben Wallace, ayaa sheegay in isaga iyo Priti Patel ay iminka ka wada shaqeynayaan, sideey ku caawini lahaayeen, dadka reer Afgaanistaan ee ka soo baxsanaya dalkooda.

Ka dib 20 sannadood ka badan, oo quwadaha waaweyn ee reer Galbeedku uguna horeeyo Mareykanku ay tababar, saanad miltari iyo kaalmo dhinacyo badan ah, la garab taagnaayeen Afgaanistaan iyo ciidamadeeda Milatari, ayaa iminka waxaa ururka Daalibaan u suurtagashay in ay gebi ahaanba qabsadaan Afgaanistaan, Mareynkankii iyo ciidamadii kale ee gaashaanbuurta NETO-na ay isaga huleelaan Afgaanistaan.

Sarkaan Mareyknka u hadlay ayaa ku tilmaamay sida xaaladda Afgaanistaan isku bashay, wax laga caloolxumoodo.

AminaWehelie.Me

Birmingham,

UK.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.