Cali Xarbi Cali oo boolisku ku soo oogey in uu dilay Mudane Baarlamaanka Ingriiska Ka tirsan:

Wararka laga helayo booliska Britain qeybta la dagaallanka Argagixsada ayaa sheegay, in maanta ay dacwad ku oogeen si rasmi ah, Cali Xarbi Cali oo ah 25-jir heysta dhalashada Britain, hase yeeshee ka soo jeeda Soomaaliya, dacwadaas oo ah in uu qudha ka jaray, mudane ka tirsanaa baarlamaanka Britian Sir David Amess, isla markaasna uu diyaarinayey falal argagixiso.

Cali Xarbi Cali ayaa la xiray ka dib markii uu weerar ku qaaday Sir David oo ku sugnaa xaruun uu kula talinayey dadka uu matalo, oo ku taal Leigh-On-Sea, kana tirsan gobolka Essex, jimcihii la soo dhaafay.

Ninka uu Cali dilay, ee Sir David Amess ayaa ahaa mudane ka tirsan baarlamaanka Britian tan iyo sanadkii 1983-dii, wuxuuna u dhintay tooreey uu la dhacay, goobtii lagu weeraray ayuuna ku dhintay.

Cali waxaa dhalay nin hore u ahaa la taliyaha raiisulwasaaraha Soomaaliya.

Booliska ayaa wariyayaasha u sheegay, in dacwada ninkan ay u gudbinayaan, maxkamada iyadoo ah mid argagixisanimmo la xidhiidha, taasoo ka dhalatay arrimo diinta ku lug leh iyo feker uu qabay ninka dilka geystay.

Cali ayaa ka soo hor muuqan doona, maxkamadda Wesminister Magistrate Court.

Sources: different Media Outlets.

AminaWehelie.Me

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.