Facebook oo shaaca ka qaaday magaciisa cusub:

(WAR)-28/09/2021-Khamiis: AminaWehelie.Me- Mulkiilaha facebook Mark Zuckerberg,ayaa xilli dhow, muqaal toos ah oo uu ka soo tabinayey barta uu ku leeyahay facebook oo soconayey saacad ka badan wuxuu shaaca kaga qaaday in magaca cusub ee uu yeelanayo FACEBOOK in uu noqonayo META.

Aasaasaha isla markaasna ah madaxa shirkada Facebook Mark Zuckerberg ayaa aad ugu dheeraaday faahfaahinta is-badallo badan oo lagu sameeyey META (ex. Facebook), wuxuuna sheegay in uu laga dhigayo META meel mustaqbalka loo aayo.

Sidoo kale waxaa la badalay LOGA-da calaamada u ah oo waxuu yeelanayaa LOGO cusub.

Magaca iyo loga-da cusub ee uu yeelanayo Facebook

Facebook ayaa waayahaan dambaba waxaa ku furnaa dhaleeceyn aad u culus oo ay ka mid yihiin, qaabkii loo adeegsaday in loo isticmaalo taageerada doorashooyinkii Mareykanka ee uu ku soo baxay Donald Trump, in uu hooy u noqday tuugada wax handada, geeri badan oo dartiis ugu timid dad ku kala nool dacada aduunka oo caruur u badan oo qudha iska jaray, ka dib markii lagu handaday facebook, iyo tii ugu dambeysay oo ah in uu hawada ka maqnaa dhowr saacadood isaga iyo intii uu mataan ahaydba sida whatsup iyo Instagram.

Haba kala darnaatee, arrimaha soo wajahay facebook waxaa la mid ah in anuu xil iska saarin ilaalinta bedqabka dhimirka dadka nugul oo ay ugu horeeyaan caruurta, taasoo sababtay in qaar ka mid ah shaqaale horey uga shaqey jiray facebook ay shaqada ka tagaan isla markaasna ku marqaati furaan, kana hor cadeeyaan xilkasnimo-darrada facebook iyo sida uu u dhayalsaday waajibaadyadiisa, iyagoo ka jawaabay su’aalo toos ah oo ay weeydeeyeen qalalka senetka Mareykanka iyo baarlmaaanka Britian-ba.

Facebook ayaa waxa maalin kasta isticmaala in ka badan laba bilyan oo ruux oo addunka ku nool, wuxuuna halka sare kaga jiraa shariikadaha saamiyada ugu badan ku leh suuqyada dhaqaalaha dunida, halka shaqaalihiisuna ay kala joogaan dunida dacadeeda.

Dhanka dadka aaneey luuqadoodu ahayn Af-Ingriisiga oo ay dadka soomaaliyeed ka mid yihiin, ayaa waxay in badani ku dhib qabaan, isticmaalka facebook, waxana dhacday in facebook lagu wargeliyey in ay ku dhex shaqeystaan tuugo burcad ah oo handada dumarka, gabdhaha yaryar, waalidiinta heysta caruuraha xanuunsanaya, iyo dadka magaca iyo sumcadda ku dhex leh bulshada oo ay ugu horeeyaan, Siyaasiyiinta, wariyayaasha, fanaanniinta iyo inta soo raacdaba.

Facebook ayaa waxaa uu iminka qaadayaa tallaabooyin dhinacaas uu wax kaga qabanayo, isagoo aqoonsanaya kana xannibaya iskutcimaalka META (EX FACEBOOK) kuwa dadka ku dul-handada aaladiisa, welibana la xiriirnaya case-saskooda booliska caalamka.

Tallabooyinka uu soo kordhiyey META (Ex Facebook) ayaa ka mid ah, in uu shaqaaleynayo dad si dhab ah u aqoonsada luuqadaha ajaaniibta sida tan Soomaalidu ku hadasho, tallaabadaasoo gacan weyn ka geysan doonta in la fahmo khatarta ay burcadda baraha bulshadu ku hayaan dadyoowga aneey luuqadoodu ahayn Af-Ingriisaga iyo luuqadaha kale oo tarjumaadoodu sahlan tahayba.

Facebook ayaa lagu wargeliyey in dadka Soomaaliyeed ay si weyn u isticmaalaan aaladooda isla markaasna ay ku dhib-qabaan qaarkood oo qaar kale oo, qudhoodu u badan Soomaali kale ay bartimaameedsadaan, kulana kacaan handadaad, cajugleyn, baad-lacageed IWM burcadaas oo isugu jira rag iyo dumar iskood koox-koox u abaabulan, kuna shaqeysata fal-dambiyeedyadooda.

Olole ay bilowday Warbaahiso Amina Muuse Weheliye sanadkii hore ayaa meel fiican maray, kaasoo ay gacan ka geysteen, booliska Britain, kooxo u dhaq-dhaqaqa xuquuqda muwaadiniinta UK, ka dib markii burcad iskood u abaabulan ay hanadadaad, cabsi-gelin, hanjabaado culus oo qaar dil yihiin, u mariyeen Warbaahisada iyo qoyskeeda baraha Facebook iyo Youtube.

AminaWehelie.Me

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.