Adeegga tareennada Aadda gobollada oo istaagay:

(War) Axad-31/10/2021-Xaruunta tareenada Laga raaco ee Auston Station Ee magaalada london, ayaa gebbi ahaanba waxaa istaagay galabta tareenadda gobollada aadda oo xaruuntaas Ka baxa.

Arrintaan ayaa timid Ka dib markii roobab dabaylo wata oo xoog lihi da’een ka dibna sababeen in eey soo ridaan geedo ku dhinac yaalay xadiiska tareenku maro, halkaasna ay qarxeen fuyuusyada korontada inta u dhaxeysa magaalooyinka Corby iyo Milton Keynes.

Dadweynaha ku xayirmay Auston Station, London.

Dadka ku xayirmay Auston station waxaa Ka mid ah wariyayaal farabadan oo Ka kala socda warbaahinta kala duwan Ee Ingriiska oo ku soo jeeday xaruunta uu Ka dhacayo shot-weynaha cimmillada adduunka #COP26 ee lagu qabanayo Scotland.

Aniga qudheyda oo Ka soo noqday kullan sanadeedka Somali Week oo aan Ka qeybgalay shalayto, ayaa Ka mid ah dadka ku xayiran Auston Station, waxaana dib u dhac ku yimid safarkii aan kula noqon lahaa gurigeeyga oo ku yaalla gobolka West Midlands.

Reporter: Amina Mussa WEHELIE @Auston Station, London.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.