Dufaanta Arwen ayaa dishay qofkii saddexaad:

(WAR)-27/11/2021-Sabti-(UK)-Saddex qof ayaa dhimatay ka dib markii dufaan loo bixiyey ARWEN ku dhufatay dalka Boqortooyooyinka Midoobey (UK).

Dabaylo xoog leh iyo baraf is wata, ayaa hareeyey deegaanno badan oo ka mid ah United Kingdom haba ugu badnaadeene Gobolada Scotland iyo Ireland.

Gaari boolisku leeyahay ayaa isagana dardaray geed, deegaanka Aberdeenshire ka dib markii dabayshu weecisay.

Qubarada saadaasha cimilada ayaa dhowaanahanba soo saaraayey digniino isugu jira Casaan iyo Hurdi, waxeyna sheegayaan in baraf badan oo sita qaboow daran digriiggiisu gaarayo ilaa iyo -7C la filayo maalmaha soo socda guud ahaan dhulweynaha UK.

Amina Wehelie

Birmingham, West Midlands, UK.

Leave a Reply