(WAR)-01/02/2022-Talaado-London:- Baaritaan ay sameysay heyadda dusha-kala-socota heyadaha dowliga ah ee WATCHDOG ayeey ku sheegtay in ay ku kaceen falal qeyru-masuulnimo ah, qaar ka mid ah ciidanka booliska Britian ee Metropolitan-ku, falalkaas oo isugu jira: KUFSI-KU-HANJABID, KAFTAN-DHABLE GURRACAN OO KA DHAN AH DADKA YAHUUDDA AH, CUNSURINIMMO, CAY IYO KU TIIQTIIQSI KU AADAN DADKA ISLAAMKA AH iyo arrimo kale.
Heyadda WATCHDOG ayaa warbixinteeda ku sheegtay, in baaritaanno xiriir ah oo lagu sameeyey ciidanka booliska lagu ogaaday in qaarkood ay ku kaceen handadaad iyo bah-dil, naceyb dhinaca haweenka ah iyo iyagoo adeegsaday, erayo ay ka mid yihiin: Somalian rats, Fanatics, misna ugu goodiyey kufsi gabdho la shaqeeya.
Farriimahaan ayeey saraakiishani isugu gudbiyeen groups ay si gaar ah u sameysteen, kuwaasoo lagu ogaaday markii si gaar ah loo baaray afar iyo toban sarkaal, halka laba ka mid ahi ay dafariin in eey qalad ku kaceen.
Duqa Magaalada London, Sadiq Khan ayaa ku tilmaamay wax laga yaaq-yaaqsoodo, falka ay ku kaceen saraakiishaan.
Taliska sare ee ciidanka booliska ee Metropolitan ayaa raaligelin ka bixiyey falka ah saraakiishoodu ku kaceen.
Source: LBC
Amina Wehelie
Birmingham.