(WAR)-Talaado, March 15, 2022-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa furka ku tuuray Garmalka, caradiisana uga jawaabay in uu hakiyo qul-qulka gaaska ee dhuumaha daanta Galbeed ee Garmalka.
Dhuunta gaaska ee uu xiray ayaa dhirirkeedu yahay 2.500 oo mile taasoo isku xidha Ruushka, Booland iyo Jarmalka deetana waxeey us ii gudubtaa Belarus.
Xog laga helay Booland ee dhanka Gaaska ee ayaa tibaaxeysa in qul-qulka gaaska halkii uu ka ahaa 11.5 millyan Kilo waat saacadiiba uu iminka hoos ugu dhacay 939,809 Kilo Waat saacadiiba.
Dhuunta Yamal Europe ayaa ah tan ugu weyn ee gaaska soo gaarsiisa dalalka Midowga Yurub, hase yeeshee ma ahan dhuunta qura ee gaaska keenta yurub.
Tallabadaan ayaa horseedeysa qal-qal hor leh in uu u bilowday dalalka Yurub ee Yukereyn la saftay markeey foodda is dareen Ruushka.
Source: Daily Express
Halkan kala soco wixii wararka ah ee dhinacaa ka soo kordha.
AminaWehelie.Me
Birmingham, UK