(WAR)-Sabti 19/03/2022-Garoowe,Soomaaliya- Madaxweynaha dowlad-goboleedka Buntiland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa si rasmi ah u shaaciyey in uu yahay musharax u taagan tartanka xilka madaxweynaha Soomaaliya oo dhowaan la qaban doono.
Madaxweyne Siciid Deni, ayaa qudbad kooban oo uu ka jeediyey aqalka madaxtooyada Buntiland ee Garoowe, ku sheegay in uu si rasmi ah u caceynayo musharaxnimadiisa oo aanuu horey u shaacin balse, dadka siyaasadda u dhuun-daloola ay wax badan sii saadaaliniyeen.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay, in uu ku dardar gelinayo, musharixiinta kale ee tartanka madaxtinnimadda dalka ka qeybgaleysa, in ay awoodooda isugu geeyaan, in aanuu soo noqon maamulka hadda talada haya ee uu hogaaminayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Sidoo kale Deni ayaa ballan qaaday in uu dhowaan soo bandhiggi doono, arrimaha quseeya musharxnimadiisa iyo qodobadda uu ballan qaadayo in uu fulin doono, haddii la doorto.
AminaWehelie.Me (Voice Of Somalis In Exile).
Source: Xafiiska Warbaahinta ee madaxtooyada Buntiland.