(WAR)-20/03/2022-Axad-UK-Ra’iisulwasaaraha Britian Boris Johnson, ayaa dhaleeceyn badan wajahaya, ka dib markii uu is bar-bar dhigay, dadka reer Ukreyn oo daggalladu ku dul socdaan iyo dadka reer Britian ee u codeeyey in UK ka baxdo Midowga Yurub.
Khudbad uu jeediyey ayuu ku sheegay in Biritish-ku yihiin sidii Yukreyniyiinta oo kale, oo wuxuu sheegay in ay si niyad ah u doorteen in eey xorriyad ku noolaadaan.
Markuu sidaan lahaa, wuxuu ku halqabsaday, aftidii UK laga qaaday sanadkii 2016-kii, oo ay guuleysteen dadkii doonaayey in UK ka baxdo Midowga Yurub, isaguna uu ka mid ahaa, misna xisbigiisa Conservativeku uu xilligaa talada hayey.
Tibaaxan ayaa ka careysiiyey, siyaasiyiin badan oo reer UK iyo reer Yurub-ba ah.
Donald Tusk, oo hore u ahaa guddoomiyaha golaha Yurub ayaa hadalka Mr Johnson ku tilmaamay, xadgudub.
Lord Barwell, oo isaguna ka tirsan xisbiga talada haya ee Conservative, ayaa sheegay in aftidaasi aneey ahayn mid la barbar-dhigi karo, naf-go’eysa, halka hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Liberal Democrat Sir Ed Davey, uu sheegay in hadalka Boris Johson ka soo yeeray, uu aflaago ku yahay dadka reer Yurkeyr.
Raisulwasaare Boris Johnson, ayaa horey wax badan u yiri hadalo xanaf leh aadna loo dhibsaday, oo waxuu horey ugu sheegay hadallo ay kuwii ugu darraa ka mid ahaayeen, mar uu gabadhaha Muslimiinta ah ee ku nool UK, ku tilmaamay in eey u qaab-eg yihiin sanaadiiqda Boostada, isagoo xilligaas ku jees-jeesayey, xijaabka dumarka islaamka ah.
Boris Johnson ayaa horey u ahaa wariye TV-ga ka sii daaya barnaamij kaftan-siyaasadeed ah wuxuuna sidoo kale ahaa maqaal-qore la shaqeeya wargeysada UK qaar ka mid ah, mana ahan nin raaligelin ka bixiyo, wixii afkiisa soo mara, ee la dhibsado.
Sources: BBC
Photo: From Library.
AminaWehelie.Me
(Voice Of Somalis In exile)