(WAR)-Isniin 21/03/2022-Somaliya- Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame oo loo yaqaan “Sheekh Aadan Sunne”, ayaa xaqiijiyey in uu Xarrakadda Al-Shabaab ku biiray.
Sheekh Aadan Sunne oo dhowaan ka soo baxsaday magaaladda Hargeysa ee Xukuummadda Soomaaliland, ayaa BBC-da Laanteeda Af-ka Soomaaliga u sheegay, in isagoo Ehelkiisii oo dhan ay la socdaan, uu ku sugan yahay iminka dhulka ay weli gacanta ku heyso xarrakadda Al-Shabaab oo ku yaalla Soomaaliya.
Dhowaan ayeey ahayd markii wasiir-ku-xigeenka Amnigga ee Xukuummadda Soomaliland Cabdullaahi Xuseen Maxamed, warbaahinta u sheegay in ay baarayaan halkii uu jaan iyo cidhib dhigay, sheekh caan ah oo Ka baxsaday Hargeysa.
Sheekh Aadan SCabdixmaan Warsame “Sunne”, ayaa mar la weeydiiyey sababta uu u tagay dhulka ay maamulaan Shabaab bal in eey tahay in uu hogaamiye ka noqdo shabaab, ayuu ku ku jawaabay, in arrinkaasi yahay mid la mala-awaalay, hase yeeshee, wuxuu ku nuux-nuuxsaday, in uu ka soo baxsaday Soomaaliland ka dib markii uu u adkeysan waayey xadgudubyadda dhinaca diinta ah ee laga gelayo dadweynaha, isla markaana uu ku noolaan kari waayey.
Sheekh Aadan Sunne, ayaa lagu yaqaan in markii fagaarayaasha dadweynaha kula hadlayo, uu u gudbiyo qodbooyinkiisa qaab maanseed.
Hore ayeey Xarrakada Al-Shabaab ugu biireen, qaarna madax sare-ba ka noqdeen, rag ka yimid Soomaaliland, hase yeeshee ka talinayey, maamulayey misna fulinayey awaamiirta ay ku shaqeeyaan maleeshiyaadka qaraxyada ka geysanayey koofurta Soomaaliya, gaar ahaan Magaallada caasimadda ah ee Muqdisho, halkaana ku laayey malaayiin qof oo shacab iyo masuuliyiinba iskugu jirta, hanti badana ku burburiyey.
Hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab, Axmed Godane ayaa ahaa mid ka soo jeeday Waqooyiga Soomaaliya (Soomaaliland) wuxuuna ahaa madaxii muddada ugu dheeraa ee xukumayey Raxakatul Al-Shabaab Al-Mujaahidiin, isagoo markii dambe Mareyknaku ku dilay weerarada dhinaca cirka ah ee uu la beegsaday.
AminaWehelie.Me
Sources: BBC
Courtesy of Photo: Google.