(WAR) Arbaco, 23/03/2022-London:
Julian Assange oo ah asaasaha bartii siraha kashifi jirtay ee WikiLeaks, ayaa guurkiisu ka dhex dhacay, xabsi ku yaalla Koofur-Bari London, wuxuuna xarigga ku xirtay saaxiibadiisa mudada dheerey ay wada joogeen, ee Stella Moris.
Stella ayaa tagtay jeelka Belmarsh ee uu ku xiran yahay Julian Assange, iyadoo ku labisan cambuur aroos oo ay farsameysay, Dame Vivienne Westwood, oo ah gabadh caan ku ah, farsameyta tolliinka dharka dadka maqaamka sare lihi xidhaan.
Julian Assange ayaa guurkiisu ku soo aaday sanadkii saddexaad ee uu xiran yahay, ka dib markii si qasab ah looga soo dhex saaray, safaaradda dalka Ecuador ku leeyahay London, sanadkii 2019-kii, isagoo xilligaasi wajahayey doonis uu Mareykanku doonaayey in loo gacan-geliyo.
Ruqsadda u ogolaanasa in uu guursado ayaa sanadkii hore la siiyey.
Stella iyo Julian ayaa waxaa guurkooda ka qeybgalay labadooda wiil ee Max iyo Gabriel oo laba jir iyo afar jir kala ah.
Sources: Sky News
Courtesy of the Photo: Sky News.
AminaWehelie.Me (Voice Of Somalis in Exile)