(WAR) Arbaco 23/03/2022-UK-Siricka oo cirka isku shareeray gudaha UK, ayaa ka dhigeysa nolosha dadweynaha mid adag.
Bal qabsoo bishii hore ayaa sicir-bararku gaadhay 6.2 boqolkiiba, halka ay cirka isku shareereen cunnada, Shidaalka, kirada guryaha iyo wixii quutul-daruuri ah oo dhan.
Dowladda ayaa iyaduna dhankeeda kordhisay canshuurta ay ka jareyso dadka shaqeeya, oo isugu jirta INCOME TAX iyo NATIONAL INSURENCE CONTROBUTION, waxeey iyadana kordhisay canshuurta guryaha COUNCIL TAX, halka wax aan maco lahayn lagu kordhiyey lacagaha taakulada ah ee dadka tababrta yar e aan is bixin karin la siinayo.
Bilaabashada xisaabaadka ee sanadka oo ka bilaabaneysa 1-da bisha foodda innagu soo heysa ee April ayaa wax kastaba is badalayaan, halka saboolnimada shacabkuna kor u kacday.
UK ayaa waxaa ka dhacay isbadallo badan oo aad u saameeyey dhaqaalaheeda, ka dib markii ay isu raaceen, Ka faraxalashadii ka mid ahaanshaha Midowga Yurub iyo qasaarihii ka dhashay xanuunkuu saf marka ahaa ee CORONAVIRUS ee uu keenay viruska COVID-19 oo qaatay muddo ku dhow laba sanadood.
labaddi sanno ee ugu dambeysay, ayaa shariikado farabadan albaabada loo laabay, halka dad farabadana ay shaqooyinkoodii waayeen.
Daarasadii ugu dambeeyey ee lagu indho-indheeynayo dhinaca dhaqaalaha oo maanta oo Arbaco ah la soo saaray, ayaa cadeyneysa in bishii Janaayo ee bilowgii sanadkan 2022-ku, sicir-bararku ahaa boqolkiiba 5.5, taasoo cirka ku shareertay, qiimaha tamarta iyo shidaalkaba ee wadanka guud ahaan.
Xooghayaha maaliyadda iyo lacagta ee UK, Rishi Sunak ayaa lagu wadaa in uu soo bandhigo dhowaan warbixintiisa maaliyadda ee xilligaan guga.
Dhinacayada dharka iyo kabaha ayaa qiimahoodu yara xasilay oo caadi ku soo noqday bishii Febraayo, hase yeeshee waxaa kor u sii kacaya, sicirka cunnadda, cabidda, kirada guryaha iyo alaabadda kale ee sida maalin-laha ah loogu baahan yahay.
Khuburada dhinaca dhaqaalaha iyo is rog-roga saamiga lacagta ayaa sheegaya in sicir-babarku aanuu halkaan ku istaagi doonin oo ay dhici karto in uu gaaro ilaa iyo 7.3 boqolkiiba waqtiyada dhow.
Sources: Evening Standard
Photo courtesy: NIESR
AminaWehelie.ME (Voice Of Somalis In Exile)