(WAR)- Arbaco-23/03/2022-Qarax weyn oo lagu weeraray magaaladda Baletweyne Caawa fiidkii, ayaa lagu qaarijiyey XIldhibaanad caan ah oo ka tirsan maamulgoboleedka Hirshabeele.
Xildhibaanad Amina Maxamed Cabdi ,oo ka tirsanayd baarlamaanka cusub ee iminka la soo doortay, horeyna u ahayd Xildhibaanad ayaa ku geeriyootay, qaraxa uu qof isa soo miidaamiyey uu ku weeraray xerada Lama-Galaay, ee afaafka hore ee madaxtooyada Hir-shabeele, waxaana xildhibaanada la geeriyooday xubno ka mid ahaa ilaaladeeda.
wararka ayaa intaa ku daraya, in uu isna jiro qarax labaad oo goob kale oo magaalada ka tirsan ka dhacay, jugtiisana la maqlay, hase yeeshee aan wax war ah laga heyn qasaarihiisa.
Xildhibaanadda la dilay, ayaa ka tirsanayd dhowr xildhibaan, oo codkar ahaa oo ka mid ahaa baarlamaankii hore ee mudadiisu iminka dhamaadka tahay, isla markaasna waxeey ahayd xildhibaanad aad u difaacda xuquuqda shacabka iyo guud ahaan dimoqraadiyadda.
Xildhibaanad Amina anaa lagu yaqaan sidii ay ugu istaagtay in eey cadaalad helaan qoyska ay ka maqan tahay, Ikraan Tahliil oo ahayd sarkaalad da’yar, oo ka tirsanayd heyadda amniga qaranka ee NISA taasoo la la’yahay ilaa iyo iminka raq iyo ruuxba.
Allaha u naxariisto Xildhibaanad Amina Maxamed Cabdi.
Sources: Hiiraan Online
AminaWehelie.Me (Voice Of Somalis In Exile)