(WAR) Talaado 29/03/2022-United Kingdom-Viruska Covid-19 oo keena xanuunka Coronavirus ayaa si xowli ah ugu fidaya UK, diiwaanka lagu keydiyo dadka xanuunka qaada ayaa caga-cageynaya ku dhowaan afar milyan oo bar qof in uu xanuunku ku dhacay.
Mar aan dheereyn beey ahayd goortii la xayuubiyey, dhamaanba xayiraadihii la soo rogay xanuunka dartii, hase yeeshee tirada dadka uu haleelay viruska ayaa ah mid aad u badan.
Dadka reer UK, ayaa badiyaa qaatan talaal iyo mid xoojiye ahi ku jiro, hase yeeshee dowladda ayaa iminka bilowday, in ay dadka u dirto waraaqado ay ku casuumeyso, qaadashada talaal afaraad.
Dadka jilicsan ee u nugul cuddurada, kuwa durba xanuunsanaya iyo kuwa da’doodu ka sareyso todobaatan jirka, ayaa loo yaboohay qaadashada talaalka afaraad, wax qasab ahise ma jiraan.
Sources: Many British Media Outlets.
AminaWehelie.Me (Voice Of Somalis In Exile)