(WAR)-Isniin 11/04/2022- Cali Xarbi Cali oo ah wiil dhalinyaro ah oo asalkiisu Soomaali yahay hase yeeshee heysta dhalashada Biritan, ayaa lagu helay in uu dambiile ku yahay, dilka xildhibaan ka tirsanaa xisbiga Conservative-ka ee talada Britian haya.
Cali oo 26-jir ah, ayaa dilay Mudane Sir David Amess, isagoo u adeegsaday dilkiisa tooreey uu la dhacay 20 jeer, bishii Oktoobar ee sanadkii hore, gudaha xafiiskiisa oo ku yaalla degmada ka tirsan gobolka Essex ee Leigh-On-Sea.
Falka Cali Xarbi Cali ku dilay mudanaha, ayaa lagu tilmaamay in uu ahaa fal argagixiso uuna u sameeyey si ula kac ah, waxaana xeerbeegtidii gartiisa go’aamineysay, ay ku qaadatay muddo 18 daqiiqo oo kali ah, in eey go’aan kaga gaaraan dacwadiisa.
Arrimaha cadeymaha ah ee boolisku maxkamadda la hor geeyeen waxaa ka mid ah, in Cali uu baaritaan la daba galay oo uu muddo daba joogay, rag sare oo siyaasiyiin ah oo ay ka mid yihiin, Michael Gove, Dominic Raab iyo Sir Keir Starmer, balse uu markii dambe usha dul saartay, mudanaha uu dilay ee Sir David Amess.
Sources: Sky News.
Amina Wehelie.
(Voice Of Somalis In Exile).