(WAR) Sabti-16/04/2022-Somaliland- Madaxwenaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay, in 988 ganacsade oo ka mid ah ganacsatadii hantidoodu ku gubtay, suqa weyn ee Waheen ee magaaladda Hargeysa, ay maanta dib u bilaabeen, ganacsigooda.
Madaxwene Biixi ayaa sheegay in ganacsadayaashaani yihiin, dadkii ay ka gubatay, hanti qiimaheedu ka hooseysay 5000 (Shan Kun oo Doollar), ka dib markii dib loo hantiyeeyey, waxaanuu tallabadaasi ku tilmaamay in eey tahay, mid u soo hoysatay Qaranka Somaliland.
Sources: Facebook-ga madaxweyne Muuse Biixi.
About Post Author
aminawehelie
Mother/senior Journalist/Radio & TV host/Author/Life Coach/Mental Health Advocate