(WAR) Sabti 16/04/2022: Jamciyadda Quruumaha ka Dhaxeeysa ayaa si cad u sheegtay, in heshiiska dhex maray dowladaha UK iyo Ruwanda, uu yahay mid sharci-darro ku ah, heshiiska qaxootiga ee dunidu wada gaadhay.
Todobaadkaan ayeey Priti Patel, xooghayaha arrimaha gudaha ee UK, heshiis la saxiixday dalka Ruwanda, kaasoo dhigaya in dadka doomaha ku soo gaara ama baabuurta taraagga ku soo dhex dhuunta, ee UK xuduudaheeda uga soo gudba si sharci-daro ah, durba loo gudbin doono dalka Ruwanda, halkaasna ay joogi doonaan tan iyo inta codsiyadooda magen-gelyo doonidda ah laga baaraan degaayo.
Arrintaan ayaa aad iga nixisay dadka durba qaxootiga ku ah UK oo hoteellada la dajiyey tan iyo intii, xanuunkii Coronavirus uu ku dhuftay dalkan UK, misna aan weli la aqbalin codsiyaadooda qaxootinnimada.
Saxiixa heshiiska ee dowladiisu ka gaadhay dalka Ruwanda ka dib, ayuu Raisulwasaaraha Britian Boris Johnson sheegay in u jeedada heshiiskaan tahay in cashar loo dhigo muqallasiinta dadka naftooda halligga, ee doomaha aaneey amaankoodu fiicneyn iyo gawaaridda xamuulka ee dadku ku dhex neef qabatoobaan, kuna dhintaan badankoodu.
Boris ayaa sheegay in ujeedka weyn ee sharcigaan la soo rogay uu si gaar ah u quseyn doono ragga kailgood ah oo aaneey xasaaska iyo caruuruhu la socon, oo ku soo yaacay UK si ay magangelyo uga helaan misna aan sifooyin sharciyeeysan kaga soo tallabin xuduudaha UK.
Heshiiskaan ayaa u dhaqan geli doona sida ugu dhaqsiyaha badan, wuxuuna saameynayaa cid kasta oo UK soo gashay, laga bilaabo kowdii bishii Janaayo ee sanadkaan 2022-ka oo aan welina la aqbalin codsigeeda iyo dadka hadda ka dib imaan doona intaba.
Source: SKY TV and Other British Media Outlets.
Courtesy of Photo: Sky News.
Amina Wehelie
#Voice_Of_Somalis_In_Exile