(WAR) Isniin-18/04/2022-SETV- Xooghayahay arrimaha Gudaha ee Britian Priti Patel ayaa si adag u difaacday, go’aanka dowladeeda Britain, ku geyneyso qaxootiga doomaha iyo gawaarida xamuulka ku yimaadda UK, dalka Ruwanda, oo todobaadkii hore ay soo saxiixday.
Patel ayaa weeydiistay edeeyayayaasha ka soo horjeestay qorshaha UK, bal in eey soo bandhigaan fikir kan dowladeeda ka wanaagsan.
Priti Patel oo maqaal ay wadajir u qoreen iyada iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Ruwanda Vincent Biruta, lagu daabaceen wargeyska THE TIMES ee UK ka soo baxa, ayeey ku tilmaamtay in qorshahani yahay mid cusub oo loo bareeray.
Sources: SKY NEWS & THE TIMES.
Amina Mussa Wehelie (SETV)
About Post Author
aminawehelie
Mother/senior Journalist/Radio & TV host/Author/Life Coach/Mental Health Advocate